Warbixin Iftiimisay Galaangalka Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Dawladda UAE ku Sameysay Geeska Afrika iyo Kaalinta Somaliland
December 28, 2018 - Written by admin
Abu Dhabi(Berberatoday.com)-Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE ayaa falanqeeyey kaalinta Imaaraadku ku leeyahay nabadeynta iyo maalgashiga Geeska Afrika.
Warbixintaas oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Charlie Mitchel, waxaa lagu sharraxay dedaaladii diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee sannadkan 2018-ka ay sameysay dawladda Imaaraadka carabta oo xoojisay doorkeeda ku wajahan mandaqada Geeska Afrika.
