Wasiirkii Arrimaha Dibedda Sacuudiga Iyo Xubno Kale Oo Badan Oo Xilalka Laga Qadaay
December 28, 2018 - Written by admin
Jiddah(Berberatoday.com)-Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wasiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaadhan oo maanta lagu sameeyey golaha wasiirada boqortooyada, ayna ku jiraan jagooyin sare oo dhanka ammaanka qaranka ah.
Isku shaandheyntan ayaa timid kadib markii Sacuudiga ay cadaadis caalami ah kala kulmeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.