“27 Sanno Ayeynu Dawlad Ahayn, Muddadaas Aynu Jirnay Ee Aynu Madax-banaanayn, Wax Badan Baynu Inagu Iskeen U Qabsanay”.Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi
December 29, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Xasan suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay qiimaha ay qaranimadu leedahay, waxaanu talooyin iyo waano u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland, oo uu ugu baaqay inay qaranimadooda meel uga soo wada jeedsadaan, isku mawqifna ka ahaadan.
Suldaanka guud ee Subeer Awal, Suldaan Xasan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “27 Sanno, ayeynu Dawlad ahayn, muddadaas aynu jirnay, ee aynu madax banaanayn, wax badan baynu inagu iskeen u qabsanay, iyada oo aanay cid kale inaga caawin, ALLE ayaa ina garab galay, duruufo badan oo adag baynu ka soo gudubnay, waxaan se iga talo iyo dardaaran ah inaynu ahaano kuwa isku duuban, oo wada jirkooda ka taliya, mawqifkeena iyo halkaynu hiigsananayna weynu gaadhi doonaa, calankeena tawxiidka ALLE ku qoran yahayna waligii wuu jiri doonaa”.