Farmaajo Iyo Beeshiisa Marrexaan Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Ay Kusoo Qaadaan Beesha Sacad Ee Hawiye
December 29, 2018 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Halka ay isaga darsoomaan labada gobal ee Mudug iyo Gal-Gaduud waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya labada beelood ee Mareexaan iyo Sacad. Ilaa hada waxaa lasoo wariyay khasaaro weyn oo ka dhashay dagaalka.
Labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo. Iyadoo ay dhinac walba sheegteeen iney hayaan gaadiid iyo maxaabiis. Si gaar ah beesha Sacad ayaa sheegatay guulaha ugu badan ee dagaalkaas.