berberatoday.com
Ujeedada Kormeer Uu Madaxweyne Ku XIgeenka Somaliland Ku Tagay Borama Iyo Gabilay
December 29, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta kormeer kusoo maray mashaariic horumarineed oo laga hir-geliyay magaalooyinka Boorama iyo Gebilay.

 

Kormeerka madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa bar-bar socday barmaamijka isla-xisaabtanka maamul-daadajinta dagmooyinka ee JPLG-ga.

Maayirka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa sheegay in ay mashaariic badan ka fuliyeen dagmadda boorama, mashaariicdaasi oo taageero dhaqaale ka helay mashruuca maamul-daadajinta ee JPLG-ga, waxaana kamid ahaa hadaladii maayirka “Madaxweyne mashaariicdan aanu halkan kusoo bandhignay waxaanu ka fulinay barmaamijka maamul-daadajinta ee JPLG-ga, la’aantiina halkaa ma gaadhneen, Boorama waxay ahayd degmadii ugu horaysay ee lagu tijaabiyo waanaanu ku guulaysanay” ayuu yidhi Maayirka Boorama.

Madaxweyne ku-xigeenka somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in degmada Boorama ay ahayd meeshii ugu horaysay ee lagu tijaabiyo mashruuca maamul-daadajinta waxaanu madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay ku guulaysteen hirgelinta mashruucaasi, mashaariicda sanadka 2017 laga maal-geliyay barmaamijka maamul-daadajinta ayaa waxa kamid ahaa xarumo caafimaad, xarumo waxbarasho iyo wadooyin.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer kaasi la mida kusoo maray magaalo madaxda gobolka gebilay ee gebilay, isagoo madaxweyne ku-xigeenku soo indho-indheeyay mashaariic horumarineed oo degmadaasi ka socota, sidoo kale kulan ay waftida madaxweyne ku-xigeenku la yeesheen golaha deegaanka gebilay ayaa halkaasi xildhibaanada lagu waydiyay su’aalo la xidhiidha barmaaamijka maamul-daadajinta ee  JPLG-ga.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 4 people, suitImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 1 person, standing and outdoor

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews