Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Qowmiyadaha Soomaalida Iyo Cafarta Ku Dhex-Maray Itoobiya
December 30, 2018 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Abeba ayaa qoray inay xiisadi ka dhex aloosan tahay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta, kuwaasi oo isku haysta milkiyadda Deegaan lagu magacaabo Endefo ama Kebele yareey oo ku taalla xuduudka ay wadaagaan Maamul-gobaleedyadda Soomaalida iyo Cafarta.
Wargeyska The Reporter waxa uu ogaaday in dagaal bishan December 25-dii ka dhacay Deegaankaasi, kaasi oo u dhexeeyey Boliska Gaarka ee Maamul-gobaleedka Cafarta iyo kooxo hubeysan oo dibadbax ka dhigayey Deegaanka Endefo ama Kebele yareey.