Seynisyahan Dalbaday In La Dilo Oo La Kharaajiyay
December 31, 2018 - Written by admin
Switzerland(Berberatoday.com)-David Goodall oo ahaa seynisyahan 104 sano jir ah ayaa nafta looga raaxeeyay ka dib markii uu nolosha geeri ka doorbiday
David Goodall ayaa doorbiday in nafta looga raaxeeyo isbataal ku yaalla dalka Switzerland.
Waxaa arrintan shaaciyay ururka u ololeeya xaqa uu qofka u leeyahay in uu dhinto.
Ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo Exit International ayaa waxa ay sheegeen in Mr Goodall uu dhintay saacada markay ahayd 12:30 waqtiga dalka Switzerland .