Yaa Ku Guuleystay Doorashadii Ka Dhacday Dalka Bangladesh?
December 31, 2018 - Written by admin
Dhaka(Berberatoday.com)-Ra’iisalwasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doorto xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi.
Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay.