berberatoday.com
Akhriso: Toddobo Shaqo Oo Ay Halis Ku Hayso Teknooloojiyadda
January 4, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Haddii ay shaqadaadu aysan tayo laheyn ama markasta aadan curineynin fikrado cusub, marka waa in aad ka fikirtid sidii aad uga gudbi laheyd dhibaatadaasi.

“Shaqo kasta oo si habsami leh oo la qabto isla markaasna la saadaalin karo waxaa lagu qabtaa muddo shan iyo toban maalmood ah adigoo adeegsanaya Koombiitar ama Teknooloojiga” waxaa sidaas yidhi John Pugliano oo ah nin arrimaha dhaqaalaha ku takhasusay ahna qoraa.

John Pugliano wuxuu qoray buugaag badan oo ay kamid yihiin ‘Buug la yidhaahdo Robotka wuu soo socdaa’ iyo buug kale oo ka hadlaya sida aadanaha uga faa’ideysto teknooloojiyadda.

Isagoo la hadlayay BBC qeybta Mundo ee ku hadasha afka Spaanishka, Pugliano wuxuu shaqada uu kala qaaday shaqooyinka saameynta ku yeeshay teknooloojiyadda ilaa toddobo.

Dhakhaatiirta

Shaqooyin qaar tiknooloojiyadda ayaa halis ku haysaa

Inkasta oo dhakhaatiirta si aad ah loogu baahan yahay balse Pugliano wuxuu rumeysan yahay in howsha dakhaatiirta ay halis uga imaanyso daweynta loo maro dhanka teknooloojiyadda .

si kastaba ha ahaate, baahida loo qabo dhakhaatiirta siiba xaaladaha degdeg ah ee caafimaadka weli waa mid sare usii kaceysa gaar ahaan dhakhaatiirta qalliinka.

Pugliano wuxuu rumeysan yahay inay hoos u dhaceyso howsha ay qabtaan qareenada gaar ahaan dokumentiyada ay diyaariyaan mustaqbalka.

Shaqooyinka sharciga ah uma baahno khibrad badan iyo takhasusaad qoto dheer taas oo baddali karta howsha uu u hayo Koombiitarka.

Shaqooyinka dhismaha

Xirfadaha qaar ayaa baaqi sii ahaan doonaa mustaqbalka

Naqshadeynta guryaha waxaa horraan lagu guuleystay in lagu sameeyo teknooloojiyadda.

Pugliano wuxuu rumeysan yahay in xirfadda dhismooyinka ay tahay xirfadda kaliya ah ee baaqi sii ahaan doonto ilaa mustaqbalka.

Xisaabiyaha

Tiknooloojiyada lagula socda ammaanka iyoo baaritaanada dambiyada waxaa isticmaalaa booliska

Howsha ku saabaan xisaabta canshuuraha baaqi ayay sii ahaan doontaa, sida uu shegayo Pugliano, wuxuu rumaysan yahay in dad kale ee sameeyo adeegyada canshuuraha maxalliga ah ay meesha ka bixi doonaan maadama aanan loo qabin wax baahi ah.

Shaqada booliska iyo baadhitaanada dambiyada

Baahida loo qavo teknooloojiyadda oo sare usii kaceysa

Booliska ayaa hadda dhaqdhaqaaqyada ammaanka iyo baadhitaanada dambiyada kula socdaa qalab teknooloojiga ah oo tayadiisu sareyso.

Inkasta oo shaqooyinka aysan lumi doonin balse baahida loo qabo ay yaraan doontaa shaqada gacanta, waa sida uu qabo Pugliano.

Howsha ka ganacsiga guryaha

Website-yada ayaa isku xidha ganacsatada iyo dadka guryaha iibsada si ay uga macaashaan ganacsigan.

Waxa inta badan meesha ka bixi doono waa agaasimeyaasha dhexe ee shirkadaha guryaha kuwaas oo shaqadoodu horraan ay halis gelisay teknooloojiyadda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews