berberatoday.com
Qaramada Midoobey Oo Iminka War Ka Soo Saartey Wakiilkooda Somaliya Nicholas Haysom Ee Somaliya Dacweyday
January 4, 2019 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa weli ku adkeysanaysa in uu danjire Nicholas Haysom yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya  dalka Soomaaliya,iyadoo dowlada Soomaaliyana ay diidan tahay wakiilnimadiisa.

 

Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom  ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka.

Qudbada uu shalay ka jeediyay Golaha Ammaanka Danjire Nicholas Haysom ayaa ahayd mid  hore loo sii qorsheeyay kahor inta uusan bilaaban khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo danjire Haysom.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews