berberatoday.com
Dawlada Ingiriiska Oo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay U Gudbisay Dacwad Ka Dhana Dawladda Soomaaliya.
January 6, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hor gaysay Qaraar ka dhan ah dawladda Soomaaliya.

Nuxurka qaraarka ayaa ah in la taageero Nicholas Haysom oo Soomaaliya eriday iyo guud ahaan shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ka qabtaan Soomaaliya.

Warbixintan oo wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AP waxa lagu sheegay in dawladda Shiinuhu golaha ka codsatay in qaraarkan maalmo la soo odoroso waxaanay xubnaha goluhu isku raaceen in dalalku maalmo soo akhristaan.

 

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Fransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku taageertay Nicholas Haysom iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay ku kalsoon tahay kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa, islamarkaana ay kalsooni ku qabto marka loo eego guulihiisii shaqooyinkii uu ka soo qabtay Qaramada Midoobay iyo dalkiisa Koonfur Afrika.

 

Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku aqbalay caydhinta Haysom kuna sheegay in uu mid cusub soo magacaabi doono iyo qoraallada ka soo baxay  dalalka kale ayaa marka la eego siiqada ay ku qoran yihiin u muuqda in ay khaladka khilaafkan saarayaan Soomaaliya. Somalia ayaa si weyn u eedaysay Haysom oo ay sheegtay in uu dawladnimadeeda faro gelin ku hayay intii uu joogay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews