berberatoday.com
Haweenka Sucuudiga Oo Helay Sharci Ay Ku Ogaan Karaan Furriinkooda
January 7, 2019 - Written by admin

Riyadh(Bereberatoday.com)-Sharci cusub oo laga dhaqangelinayo waddanka Sucuudi Carabiya ayaa waxaa lagu wadaa in haweenka dalkaasi ay xaq u yeeshaan inay ogaadaan furriinkooda.

Laga bilaabo Axadda, maxkamadaha ayaa waxaa laga doonayaa inay haweenka fariin qoraal ah ku wargeliyaan xukunka xaqiijinaya furriinkooda.

Qareennada haweenka ah ee maxaliga ah ayaa waxa ay tilmaamayaan in tallaabadaasi ay soo gebagabayn doonto waxa haatan loo yaqaan furriinka qarsoodiga ah, midkaas oo raggu ay ku furaan haweenkooda iyagoon uba sheegin.

Amarka ayaa waxaa lagu xaqiijin doonaa in haweenku ay ka warqabaan heerkooda guurka iyo weliba inay ilaashadaan xuquuqda la socota furriinka.

Sanadkii la soo dhaafay xayiraad muddo tobannaan sano ah soo jirtay oo haweenka ka mamnuucaysay inay gaari wadaan ayaa laga qaaday dalkaasi Sucuudi Carabiya.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, haweenka ayaa weli waxa ay tahay inay raacaan shuruucda ragga ilaaliya.

“Sharciga cusub ayaa waxa uu xaqiijinayaa in haweenku ay helaan xuquuqda la socota furriinka,” garyaqaanad Sucuudiga u dhalatay oo la yiraah Nisreen al-Ghamdi ayaa waxa ay u sheegtay warbaahinta Bloombeg. “Sidoo kale sharcigu waxa uu xaqiijinayaa in awoodaha xeer ilaaliye kasta uu soo saaro ka hor furriinka aanan si khaldan loo isticmaalin.”

Qaar badan oo ka mid ah haweenka ayaa waxa ay maxkamadaha dalkaasi geeyeen racfaan ay ka qaateen furriin aanay ka warqabin, garyaqaanad Saamiya al-Hindi ayaa waxa ay u sheegtay wargeyska maxaliga ah ee Okaz.

Tallaabadan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay isbadellada dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ee uu gadaal ka riixayo Amiirka Dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, sida in haweenka loo ogolaado inay tagaan ciyaaraha kubadda cagta iyo inay qabtaan shaqooyinka caada ahaanta loo gaaryeelo ragga.

Waa maxay waxyaabaha aanay weli qaban karin haweenka Sucuudiga?

Waxaa jira waxyaabo badan oo haweenka Sucuudigu aanay qaban karin ilaa ay ogolaansho ka helaan ragga ilaaliya, sida ninkeeda, aabaheed, walaalkeed ama wiilkeeda.

Waxyaabahaas waxaa ka mid ah walow aysan intaas ku ekayn:

  • Dalbashada baasaboorrada
  • Markii ay dibadda u safrayso
  • Xilliga ay guursanayso
  • Markii ay furanayso koonto bangi
  • Markii ay ganacsi furanayso
  • Markii qalliin gaar ah galayso
  • Markii ay xabsi ka soo baxayso

Hannaanka lagu ilaaliyo haweenka ayaa waxa uu horseeday in Sucuudigu uu noqdo midka ugu weyn ee ay ka jirko sinnaan la’aanta jinsiga guud ahaan Bariga Dhexe.      

 

Xigasho BBCSomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews