berberatoday.com
Odayaasha Garxajis Oo Ku Kala Qaybsamay Gogol Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Fidiyay, Qaar Saaka Galaya Madaxtooyada Iyo Qaar Digniin U Diray Xukuumadda Kuna Eedeeyay Inay Iska Horkeenayso
January 7, 2019 - Written by admin
 
Hargeysa(Berberatoday.com)-Odayaasha Dhaqanka iyo Haldoorka Beelaha Garxajis ayaa si weyn iskugu Khilaafay Martiqaad la sheegay inuu oday Dhaqameedka Beelahaasi u fidiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaasi oo saaka ku beegan inuu ka dhaco Gudaha Xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Ergo, oday Dhaqameed u badan oo ka kala timid Goboladda Sanaag iyo Togdheer oo kasoo jeeda Beelaha Garxajis ayaa Shalay ku soo xerooday Magaaladda Hargeysa kuwaasi oo ka qayb galaya Kulankan martiqaadka ah ee qadada ah ee uu Madaxweyne Biixi u fidiyay kaasi oo Maanta Sagaalka Aroornimo ka furmi doona Qasriga Madaxtooyadda Somaliland dhexdeeda. Waxa ergadani Xalay loo qaybiyay Huteelada Magaaladda Hargeysa waxaanay isku diyaariyeen Kulankani oo si weyn loo naawilayo inay jilbaha isku daraan Madaxweyne Biixi iyo Oday dhaqameedka Beelaha Garxajis oo la sheegay inay ka kooban yihiin 30 Ardaa oo beelahaasi ah, islamarkaana tiradoodu ay kor udhaafayso 200 oo oday.

Salaadiin iyo wax garad kale oo ka tirsan Beelahaasi ayaa iyagu ganafka ku dhuftay Kulankaasi iyo martiqaadkaasi uga timid dhinaca Madaxtooyada Somaliland waxaanay ku eedeeyeen Madaxweyne Muuse Biixi inuu dab kala dhexdhigayo beeshooda islamarkaana kala qayb qaybinayo. Salaadiinta oo Shalay illaa Doraad shir jaraa’id ku kala qabtay Magaalooyinka BURCO iyo HARGEYSA ayaa ku tilmaamay Martiqaadkaasi uu Madaxweyne Biixi u fidiyay mid lagu khatalayo beeshooda islamarkaana lagu kala furfrurayo waxay ugu yeedheen Midnimada Beelaha Garxajis.

Sidoo kale Xubno ka tirsan Gudidii Shirkii Gacan libaax ee ay Beelahani Sanadkii hore ku qabsadeen buurta Gacan libaax oo Shalay warbaahinta la hadlay, islamarkaana kulankan daadafiyay ayaa waxa  ay yidhaahdeen “Waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu yidhi Safarkaygii aan Goboladda Bari ugu baxay Garxajis ha iiyimaadaan waan uga mahadnaqayaaye, Waxaanu leenahay waa arin aad u nasiibdaro ah Maxaa yeelay Safarkii uu Bari u baxay Somaliland oo dhan ayaa ku soo dhawaysay, ee Garxajis oo keli ah may ahayn, Sababta uu eraygadaa u soo qaadanayaana timir lafbaa kujirta oo ujeedo kale ayuu ka leeyahay,Waxaase munaasib ah haddii aad Hogaamiye Qaran tahay wixii Nusqaan ah iyo wixii faa’iido ah inaad si fiican u kala fahamtid, wuxuu ku dhacay Nusqaamihii lagu tirinayay kuwii ugu xumaa, Somaliland oo soo wada dhawaysay ayuu reer kala dhex baxay. Garxajis wuu shiray, Lix bilood ka hor ayuu shiray, buurtaa Gacan libaax ayuu ku shiray, Qodobo ayuu soo saaray, waa loo shaaciyay oo sideed qodob ayay ahaayeen,Maalin kamuu jawaabin, Sanadkaasi uu Muuse Biixi Dalka Hogaaminayay Xaalad Khatar ah ayuu kujiray,Maamulkii Dawladnimo iyo Hogaamintii Dawladnimo intuu ku fashilmay Muuse Inuu Garxajis ku dhex meeraystaa Waa Nusqaan weyn”.ayaa hadaladooda ka mid ahaa.

Lama garanayo ujeeddada dhabta ah ee ka dambaysa Kulankan iyo Martiqaadkan balse sida ay WARGEYSKA FOORE u sheegeen Xubno ka tirsan Martida Maanta tagaysa Madaxtooyadda oo ka soo kicintintay Gobolka Sanaag, waxa uu kulankani ka yimid Dhinaca Madaxweynaha waxaanu ujeedadiisu tahay inuu beelaha Garxajis uga mahadnaqo sidii wanaagsanayd ee ay Safarkiisii uu bishii Noverber ee sanadkii hore ku tagay Gobolada Bariga ugu soo dhaweeyeen. Iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu intaasi ka qoto dheer yahay kulankani.

 

 

 

 

Xigasho Wargeyska Madax Banaan Ee Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews