berberatoday.com
Cabdiweli Gaas Maxaa Doorashada Loogu Reebay Wareegii Koowaad Yuuse Eersanayaa Isu Bahaystay?
January 8, 2019 - Written by admin

Garowe(Berberatoday.com)-Madaxeynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas wuxuu hormuud u ahaa xidhiidhka sii xumaanayay ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa uu tartanka ugu adag uu kala kulmay musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin.

Cabdiweli iyo Faroole

Waxaa la tartamay dhowr musharax oo culus oo lagu tirinayay inay ka ag dhow yihiin Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxman Faroole, oo haatan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo hormuud u ahaa Saciid Cabdullahi Deni, oo haatan ku guuleystay madaxweynaha maamulka Puntland.

Cabdiraxman Faroole oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa Cabdiweli Gaas ku eedeeyay musuq-maasuq iyo inuu ku fashilmay inuu fuliyo ballamihii uu qaaday.

Ballanqaadyadii hore

Cabdiweli Cali Gaas ayay mucaaradka hore ugu eedeeyeen inuu ku fashilmay ballamihii uu hore u qaaday oo ay ka mid yihiin, ballantii ahayd inuu Puntland gaadhsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Kahor inta uusan ugu dambeyntii ku dhawaaqin in uu yahay musharax, Cabdiweli ayaa dhowr jeer oo hore kala caddeyn waayay inuu isa sharaxi doono iyo in kale, taas oo sababtay hubaanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Xidhiidhka dowladda federaalka

Sida uu sheegayo Ciid Baddel Maxamad, oo hore u soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, doorashadan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa masiirka madaxda maammul goboleedayada kale, iyo weliba doorashada federaalka ee la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sannadka 2020-ka.

Maadaamma uu haatan meesha ka baxay Cabdiweli Cali Gaas waxaa laga warsugayaa sida uu noqon doono xidhiidhka dowladda federaalka iyo Puntland.

Dadka wax indha-indheeya qaarkood waxay qabaan inay wax weyn iska baddeli doonaan xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews