berberatoday.com
Gudiga Doorashada Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Puntland Oo Soo Bandhigay Liiska Magacyada Musharixiinta Isdiiwaan Geliyay
January 8, 2019 - Written by admin

Garowe(Berberatoday.com)-Gudiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo shir jiraa’id makhribnimadii caawa ku qabtay magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin musharaxiinta iska diiwaan geliyay tartanka doorashada madaxtinimada Puntland.

Gudoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland xildhibaan Cali Axmed Saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in 21 musharax ay isu diiwaan geliyeen tartanka doorashada madaxweynaha Puntland halka 11 musharax oo kalena ay iyaguna isku diiwaan geliyeen tartanka doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Musharaxiinta isdiiwaan geliyay ayuu sheegay in ay buuxiyeen shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa ka qeybgalka doorashada madaxtinimada Puntland.

Mar uu ka hadlayay warqado been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada taas oo tilmaamaysay in gudigu ay ka qeybgalka tartanka doorashada ka reebeen mid kamid ah musharixiinta Puntland ayuu sheegay in warqadaasi ay tahay mid been abuur ah isla markaana dabagal iyo baaritaano lagu sameynayo cidii ku lug lahayd sameynta warqada.

Hadaba hoos ka akhriso musharixiinta iska diiwaan geliyay gudiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Horseed Media 2019

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews