berberatoday.com
Ma Run Baa In Dad Shacab Ah Loo Gacan Geliyay Daabacadda Dhukumentiyadii Gacanta Dawladda Lagu Soo Celiyay
January 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dib gacanta dad shacab ah loogu celiyay dhukumentiyo dawladeed oo inay daabacaan la siiyay xilligii Madaxweyne Siilaanyo,  balse ay xukuumadda Madaxweyne Biixi la soo noqotay sannadkan.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Oktoobar waxay gacanta dawladda ku soo celisay dhukumentiyo dawladu leedahay oo ay xukuumadii Siilaanyo dad shacab ah qandaraas ku siisay kuwaas oo kala ahaa Liisanka waddo marista gaadiidka, Xaashida waddo marista iyo cusboonaysiinta liisamada iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyadoo ay wasaaradu maaliyada oo go’aanka soo saartay ay wakhtigaas daabaacadda dhukumentiyadan ku wareejisay madbacada qaranka.

Hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in qandaraaska daabicista dhukumentiyadan dib loogu celiyay dad shacab ah oo iyagu hore u soo daabici jiray kuwaas oo imika ku mashquulsan diyaarinta iyo daabacadda dhukumentiyadan si sannadkan 2019 loogu shaqeeyo. Lama hubo in dad cusub lagu soo daray mashruucan iyo inuu ku koobanyahay shakhsiyaadkii hore.

Si rasmi ah looma garanayo sababta iyo baahida keentay in dhukumentiyadan daabicistiisa dib loogu celiyay dadkaas shacabka ah, iyadoo ay dalka ka jirto madbacada qaranku.

Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaa ka jawaabi waayay telefoonka gacanta oo aanu dhawr goor u dirnay.

 

 

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews