berberatoday.com
Madaxweynaha Bangiga Adduunka Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo Lama Filaan Ah
January 8, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilayo kadib markii uu jagadaasi hayay muddo lix sanadood ah.

 

Is casilaadiisa ayaa waxa ay dhaqan galaysaa 1-da bisha Febaraayo.

Mr Kim, oo 59 sano jir ah ayay ahayd in uu xilkaasi sii hayo tan iyo sanadda 2022-ka, kadib markii mar labaad dib loogu doortay in uu hogaamiyo Bangiga Adduunka sanadkii 2017-kii.

Warbixin ayuu Mr Kim ku sheegay: ” waxa ay ii ahayd sharaf weyn in aan madax ka noqdo shirkaddaan cajiibka ah”.

Balse Mr Kim ayaanan sheegin sabata keentay is casilaadiisa lama filaanka ah.

Bangiga Aduunka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabi doonaan qaabkii ay u soo magacaabi lahaayeen qofkii bedeli laahaa Kim.

Kristalina Georgieva oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Bangiga Aduunka, ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doonto booska uu iska casilay Jim Yong Kim.

Mr Kim, oo ku dhashay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Konnfureed, ayaa waxa uu markii hore ahaa dhakhtar ka hor inta aan loo magacaabin jagada madaxweynaha Bangiga Aduunka.

Madaxweynhii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa Jim Yong Kim labada goorba u magacaabay xilkaasi.

Sida caadada ah, madaxweynaha Bangiga Adduunka waxaa soo magacaabi jiray Mareykanka halka madaxa hay’adda Maareeynta Lacagaha Addunkana ee IMF ay soo magacaabi jireen dalalka Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, markii ugu horeeysay ee Mr Kim loo magcaabay Bangiga Adduunka sanadkii 2012-kii, waxaa jiray cadaadis ka imanayay waddamada dhinaca konfureed ee dunida oo markaasi doonayay in qof ka socda waddamaasi loo magacaabo jagada madaxweynaha ee Bangiga Adduunka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews