berberatoday.com
Telefishinka CBS Oo Siidaayey Wareysi Uu bixiyey SISI Oo Uu Ku Qirtay La Shaqeynta Israel
January 8, 2019 - Written by admin

Cairo(Berberatoday.com)-Wareysigan oo laga qaaday Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi dhamaadkii sanadkii hore ayey dowlada Masar ka codsatay Telefishinka CBS inaysan shaacin.

Cabdifatax al Sisi oo lagu wareystay barnaamijka 60 minutes ee ka baxa telefishinkaasi laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa wax laga weydiiyey xiriirka dhaxeeya dowladiisa iyo Israel, isagoona sheegay in labada dhinac iska kaashadan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee ku sugan gobalka Sinay.

Hase yeeshee qirashadan ayey la taliyayaasha SISI ku tilmaameen mid aan shacabka loo shaacin karin iyagoo ka codsaday telefishinka inuu tirtiro wareysigan xasaasiga ah, balse telefishinka CBS ayaa Axadii sii daayey wareysiga oo dhameystiran.

Sisi ayaa sidoo kale ku sheegay wareysigaasi inaysan gebi ahaan jirin cid u xiran arrimo siyaasadeed oo lagu hayo xabsiyada dalkaasi.

Waxaa sidoo kale wareysigan lagu weydiiyey Sisi inuu ka jawaabo xasuuqii ciidamadiisa ka geysteen fagaaraha Raabica sanadkii 2013 halkaasi oo lagu dilay in ka badan 800 qof rayid ah oo ka qeyb qaadanayey mudaharaad lagu taageerayey xukuumadii Maxamed Morsi oo ay shacabka doorteen oo lagu riday inqilaab militari.

Madaxweynaha Masar ayaa iska fogeeyey in halkaasi xasuuq ka dhacay isagoo sidoo kale been ku tilmaamay warbixinada ay hay’adaha xaquuqul insaanka ku cambaareeyeen gabood-falada ay xukuumadiisa geysatay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews