berberatoday.com
Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Oo Laba Qoraal Oo Kala Duwan Kaga Hadlay Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Faraqa U Dhexeeya Labada Qormo
January 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berbveratoday.com)-Xoghayaha difaaca Ingiriiska Gavin Williamson, ayaa sheegay inay isaga iyo Madaxweyne Biixi ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada wadan ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Xoghayaha difaaca Gavin, ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku yidhi “Waxa sharaf ii ahayd inaan la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si aanu uga wada hadalno  xoojinta xidhiidhka labadayada wadan.”

Xoghaye Gavin, wuxuu intaas raaciyay “Waxaan sidoo kale fursad u helay inaan soo arko qaar ka mid ah shaqooyinka ay ciidamadayada qalabka sidaa ka qabtaan Somaliland.”

Qoraalka xoghayaha difaaca Ingiriiska, ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada, gaar ahaan aaladda twitterka, waxaana su’aalo la iska weydiiyay miisaanka  qoraalka uu xoghaye Gavin kaga hadlay kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee xoghayaha difaaca Ingiriiska, ayaa xalay cawayskii tifaftir ku sameeyay qoraalkaas culus ee uu hore u baahiyay, waxaanu markan dambe qoraalkiisa ku soo koobay, “Dhammaadkii toddobaadkan, waxa sharaf ii ahayd inaan la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Sidoo kale waxaan fursad u helay inaan soo arko qaar ka mid ah shaqada ay ciidamadayada qalabka sidaa ka wadaan Somaliland.

Wuxuu xoghaye Gavin, qoraalkiisa dambe ee uu tifaftirka ku sameeyay uu kaga saaray weedha uu qoraalkiisa hore ku sheegay inay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada wadan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews