berberatoday.com
Xukumada Sudan Oo Xabsiyada Dhigtay Macalimiinta Jamaacada Oo Ku Biiray Banaanbaxyada Dowlada Looga Soo Horjeedo
January 8, 2019 - Written by admin

 

Khartoum(Berberatoday.com)-Wararka kasoo baxaya magaalada Khartuum ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka ay bilaabeen inay xabsiga dhigaan tiro kamid ah macalimiinta Jaamacadaha dalkaasi oo shalay markii ugu horeysay ka qeyb qaatay mudaharaadka looga soo horjeedo dowlada.

Axadii shalay ayey banaanbaxyo ka dhaceen caasimada, waxayna shacabka isku dayeen inay socod ku tagaan Qasriga Madaxtooyada, walow ay ciidamada oo adeegsanaya awoodooda ay ka hortageen banaanbaxaasi oo ay hada ku biireen qaar kamid ah macalimiinta caanaka ah ee wax ka dhiga Jaamacadaha dalkaasi.

Shacabka Sudan ayaa bishii December dib u bilaabay banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha dalkaasi soo xukumayey tan iyo 1989 Gen.Cumar Al Bashiir oo ay ku eedeenayaan sicir bararka dalkaasi ka jira iyo sare u kaca qiimaha maciishada daruuriga ah sida rootiga.

Banaanbaxyada ka dhacay Sudan ayaa illaa iyo hada la sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 19 qof, sida ay dowlada qiratay balse hay’adaha xaquuqul Insaanka ayaa sheegay in tirada dhimashada ay intaasi ka badan tahay.

Cumar Al Bashiir ayaa khudbadiisii sanadka cusub ku sheegay todobaadkii hore in uu Wax ka qaban doono cabashada shacabka isagoo sidoo kale sheegay in aan lasoo rogi doonin canshuuro cusub, Sabtidii lasoo dhaafay ayuu sidoo kale xilka ka casilay Wasiirka Caafimaadka.

Hase yeeshee mudaharaadyada ka dhacay dalka Sudan ayaa u muuqda kuwo kusii fidaya magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews