Xukuumadda Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay Inay Somaliland U Soo Magacowdo Ergey U Gaar Ah
January 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-ukuumadda Somaliland, ayaa Qaramada Midoobay u dirtay baaq ah in ergay gaar ah u soo magacawdo dalkeeda, waxaana ay kula talisay inay Somaliland iyo Somaliya kala saaraan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya ergayga ay Qaramada Midoobay soo magacaabayso, wuxuu yidhi “Cid kasta oo ay Qaramada Miidoobay soo magacawdo, oo ay keento waanu soo dhaweeynaynaa, oo waanu la shaqeeynaynaa, xilkiisana waanu isku barbar taagaynaa, laakiin Qaramada Midoobay waxaan u sheegaynaa inay dal walba sidiisa ula xisaabtamo, oo cid uga wakiil ah ay keenaan, Somaliland waxay Qaramada Midoobay kula talinaysaa inay ergay u khaas ah u soo magacaaban, oo ergay halkan u jooga ay keenaan, Somaliya iyo Somaliland shuqul iskuma laha, waana laba dal oo kala gaar ah, mana haboona inay ergay wada yeeshaan, ee waxaanu Qaramada Midoobay leenahay waxaanu leenahay dal jira oo madax banaan, waanada ka war qabtaana waxaanu qabsanay, iyo heerka aanu ka gaadhnay Dimuqraadiyada iyo nidaamka