berberatoday.com
“Dr Cali Ciise Cabdi Cashar Ma Ka Baran Doonaa Tartankan Uu U Galay Jagada Madaxwaynaha Puntland”?Cali Guray. “
January 9, 2019 - Written by admin

“Dr Cali Tolow Cashar May u Noqon Doonta Doorashadan Garoowe Saaka Ka Dhacday Ee Halka Cod Ee Keliya Uu ka Helay, Mise Xaalka Dhulbahante Waa Halkii…..Cali Guray.

AWGEEDAY KA TAGTAAYOO AW KALE DOONATAA;

Dr Cali Ciise Cabdi cashar ma ka baran doonaa tartankan uu u galay jagada Madaxwaynaha Puntland? Aniga waxay ila tahay hadii uu u tartami lahaa Madaxwaynaha Somaliland halka uu Puntland ka helay wax ka yar 2% (1.2%) in marna aanu ka heleen Somaliland intaa iyo wax u dhaw ee ama uu ku guulaysan lahaa ama sigi lahaa inu ku guulaysto.

Ka soo qaad inu tartan la galo laba beesha dhexe ah. Waa hubaal oo waxa dhici lahayd inu helo ugu yaraan 40% beelaha bariga iyo galbeedka iyo beesha dhexe lafteeda hadii uu Madaxwayne/xigeenkiisu yahay.

Hadii ku xigeenkiisu xataa uu noqon lahaa Gadabuursi intaa in ka yar muu heleen oo waxa dhan isu mari lahaa beelaha Bariga iyo Galbeedka. Waxa dhici kari lahayd beesha dhexe lafteedana inu habar xanaaqday ka helo oo 60% ku soo baxo. Hadii kale labada beesha dhexe waxay qaybsan lahaayeen ugu badnaan 60% ama ka yar. Madaxwayne Dhulbahante ah waxa ugu dhaw Somaliland oo Daahir Rayaaleba uu ka noqday.

Puntland ilaa hadda iska daa Dhulbahante eh kamuu noqon nin aan ka soo jeedin Maxamuud Saleebaan. Mar waa Ciise mar waa Cumar marna waa Cismaan. Xataa Majeerteenka kale ayaan kursiga Madaxwaynaha hungurayn karin hadii uu mid hungureeyana aanu heli karin.

Markaa Dr Cali tolow cashar may u noqon doonta doorashadan Garoowe saaka ka dhacday ee halka cod ee keliya uu ka helay mise xaalka Dhulbahante waa halkii soomaalida eh wuxu ku jiri AWGEEDAY KA TAGTAA OO AW KALE DOONATAA?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews