“Cabdillahi Geeljire Inta Aanu Isagu Xil Haynin Saluugiisu Wuu Jirayaa, Laakiin Sidii Xisbiga Kulmiye Looga Eryay….”Cali Gurey H
January 10, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Gurey” oo ka mida siyaasiyiinta Xisbi xaakimka Kulmiye, ayaa ka hadlay sida uu u arko hadal kasoo yeedhay siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo isagu naqdiyay kulankii Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka beesha Garxajis.
Waxa uu tilmaamay Siyaasi Cali Gurey in saluuga Cabdilaahi Geeljire jirayo ilaa inta aanu xil loo dhiibin, isagoona talooyin u soo jeediyay.
Dhinaca kale Cali Gurey waxa uu sheegay in uu ka xun yahay sidii Xisbga Kulmiye looga eryay Cabdilaahi Geeljire islamarkaana uu kasoo horjeedo.