Sacuudiga, Imaaraadka Iyo Israel Oo Dejiyey Qorshe Ka Dhan Ah Turkiga
January 11, 2019 - Written by admin
Jiddah(Berberatoday.com)-Dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Israel ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo looga hadlay sidii dowladda Bashar al-Assad dib loogu soo celin lahaa xubinamdeeda Jaamacadda Carabta, si loo wiiqo saameynta Turkiga ee gobolka.
Saraakiil sirdoon oo sare oo ka socda saddexdan dal, ayaa bishii tagtay ku kulmay mid ka mid ah caasimadaha dalalka Khaliijka, halkaasi oo lagu dejiyey qorshayaal dhowr ah oo ka dhan Turkiga, sida uu weriyey website-ka caanka ah ee Middle Ease Eye.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa culeysyada caalamiga ah ee Sacuudiga uu kala kulmay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, oo Turikiga uu hogaaminayey.