berberatoday.com
Wargeys The Independent Oo Shaaciyay Sababta Wasiirka Gaashandhiga UK U Baajiyay La Kulanka Farmaajo
January 11, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Wargeyska caanka ah ee The Independent oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday in eryiddii Soomaaliya ee wakiilka Qaramada Midoobay Nicholas Haysom sabab u ahayd in wasiirka difaaca Ingiriiska Gavin Williamson oo gobolka socdaal ku marayay baajiyay safar uu ku tagi lahaa Muqdisho si uu ula kulmo Farmaajo. Waxa uu taa bedelkeeda yimid Hargeysa waxaanu kulan la qaatay madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin xukumaddiisa ka tirsan.

 

“Xukuumaddu waxay dalka ka eriday wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay, taasina waxay si toos ah ugu horseeday xoghayaha difaaca Ingiriiska Gavin Williamson, in uu baajiyo bookhasho uu ku tagi lahaa Muqdisho si uu ula kulmo madaxweyne Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo iyo wasiirradiisa , xilli uu socdaal ku marayay gobolka,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska waxaana xusid mudan in Wasiirka oo Nairobi iyo Hargeysa maray aanu u jahaysan Muqdisho.

Wargeysku waxa uu sheegay in reer Galbeedku si weyn uga saseen xadhiga lagula kacay Mukhtar Robow oo ahaan jiray sarkaal sare oo Alshabaab ah laakiin, ka soo goostay. Waxa ay aamminsan yihiin in dadaalkooda ah in ay madax sare Alshabaab ahi isa soo dhiibta noqonayo hal bacaad lagu lisay haddii kuwii yimid sidan loola dhaqmo.

Wargeysku waxa uu sheegay in Mr Robow lagaga soo badbaadiyay Alshabaab hawlgal uu Maraykanku sameeyay oo uu garab siiyay Ingiriisku, islamarkaana loo arko in aan loola dhaqmin sida xukuumadda Muqdisho ula macaamishay.

Mr Robow oo u tartamayay madaxtinimo ayay qabteen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan una qaadeen Muqdisho. Nicholas Haysom oo xukuumadda Muqdisho waydiiyay faahfaahin ku saabsan sababta loo xidhay iyo dad lagu laayay Baydhabo ayay xukuumadda Muqdisho eriday, islamarkaana weerar lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews