War Deg Deg Ah”Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Xabsiga Utaxaabay Abwaan Cabdirxamaan Ibraahim Abees Iyo Sababta
January 12, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com0-Ciidamadda Boliska Hargaysa Ayaa goordhaweyd Xabsiga u Taxaabay Abwaan C/raxmaan Abees Oo Xalayto Gabayo uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo saldhigyada dadka lagu xabsi kajirta ka jeediyay Bandhig suugaaneed uu ku qabtay Hutelka Maansoor.
Abwaan cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ah qurba joog reer Ingiriisa hase yeeshaa kasoo jeeda deegaanka hargeysa islamarkaan ah Abwaan Suudaantiisa ku cabira xaaladaha Jira ayaa Bandhigiisii xalay kaga waramay qaab Suugaaneed iyo mid hadalba dhacdooyin murugo iyo Maroora dilaac leh uu ku arkay Saldhiga ibraahim Koodbuur ee hargeysa oo uu sheegay in dhawaan sife sharci daro ah uu ugu xidhnaa mudo afar saacadooda,