FBI-da Mareykanka oo Baadheysa In Trump Uu Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeyo Ruuushka
January 13, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Aqalka Cad ayaa cambaareeyay war sheegaya in hay`adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ay bilowday baadhitaan ku aaddan in madaxweyne Trump uu si qarsoodi ah ugu shaqeeyo Ruushka iyo in kale.
Saraakiisha sharci-dejinta ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Trump bishii May, sanadkii 2017, kaddib markii uu shaqada ka caydhiyay agaasimihii FBI-da, James Comey.
Baadhitaanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray in Trump uu khatar ku yahay ammaanka Mareykanka.
“Tani waa wax aan macquul ahayn,” xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders ayaa sidaa tidhi.