berberatoday.com
UK: Calanka Somalia Oo Laga Dhigay Bac Xashiish
January 13, 2019 - Written by admin
UK: Calanka Somalia Oo Laga Dhigay Bac Xashiish

UK: Calanka Somalia Oo Laga Dhigay Bac Xashiish
Siyaasiga Maxamed Yaasiin Xasan oo reer Somaliland ah ayaa ka sheekeeyay Calanka Soomaaliya oo lagu iibinayo Ingiriiska isaga oo laga sameeyay baco loogu talo galay in lagu rido dharka la maydhayo waxaanu sheegay in uu arrintaasi la yaabay.

Qoraal uu arrintaasi kaga sheekeeyay ayaa u dhigan sidan:-

Shalay Subax ayaan galay Dukaan wayn oo caan ka ah London si aan wax uga iibsado.

Markaan cabaar dhex meeraystay, ayaan arkay Kolay ( Bag ) ka samaysan Calankii Somalia, oo la iibinayo qiimihiisuna waxa uu ahaa £5.00.

Runtii markii hore waan yaabay, dushaan ka eegay isagoo bacdii ku xidhan.Kadib waan furay, oo aan debedda u soo saaray. Mise waa Kolay ama Bag wayn oo loogu talo galay in lagu guro dharka la maydhayo.

Sida Bacda ku dahaadhan ka muuqata, waxa ku sawiran Mishiinkii dharka lagu maydhayay. Waan furay sawiradan baan ka qaaday. Waan qaaday waxa aan ula tegay Ninkii Dukaanka ka madaxda ahaa.

Waxa aan waydiiyay, Saw ma ogid in Kolaygani (Bag) ka samaysan yahay, Calan ama astaantan Qaran oo Somalia ay leedahay?

Miyaad ka haysataan ogolaasho Somalia, si aad ugu ganacsataan Calanka ama Astaanta Qaranka?

Waxa uu iigu jawaabay,Anigu waan iibiyaa ee Shirkadda samaysay iyo Dawladda Somalia waa arin u taal.

Qofkii Soomaali ah ee London ama UK, degan waxa ay ka soo eegi karaan Dukaanka LIDL.

SHALAY WAXA AAN AHAA, NIN ARKAY BAADI UU GARANAYO.

GARI ILAAHAY BAY TAQAANE,
DADKIISII BAA DAYACAY OO U GARTAY IN XASHIIS LAGU GURO.

SALAAM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews