War Deg Deg Ah”Golaha Guurtida Oo Iminka War Ka Soo Saarey Muddo Kordhintii Loo Gudbiyey .
January 13, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay saaka fadhi aan caadi aheyn iskugu yimadeen isla markaana waxaa loo akhriyey warqad muddo kordhinta golaha wakiilada ah oo uu madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey
Gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa markii xildhibaanada loo akhriyey warqada madaxweynaha uga timid waxaa uu muddo kordhinta u saarey inay ka soo talo bixiyaan Guddi ka tirsan golahaasi oo ka kooban 21 xubnood isla markaana golaha war bixin ku soo celiya muddo saddex cisho ah kadib .