Amiir Ka Soo Jeeda Boqortooyada Sucuudiga Oo Kasoo Horjeestay In Ciidamada Maraykanku Ay Ka Baxaan Suuriya
January 14, 2019 - Written by admin
Jiddah(Berberatoday.com)-Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya.
Amiir Turki al-Faisal ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen.