Madaxweyne Biixi Oo La Saadaalinayo Inuu Kala Diro Goleyaasha Deegaanka Ee Dalka
January 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar aan la xaqiijin oo isa soo taraya ayaa sheegaya suurtogalnimada in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, uu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka, oo ay doorashadoodu markii labaad dib u dhacday.
Wararkan suuqa soo galay ee kala dirista goleyaasha deegaanada ee dalka, ayaa waxa miisaankooda sii cusleeyay ka dib markii uu Madaxweyne Biixi goleyaasha deegaanada ee dalka ka reebay warqad uu u gudbiyay golaha guurtida oo nuxurkeedu ahaa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada ka dib markii doorashadoodii dib u dhacday.