berberatoday.com
“Madaxweyne Rayaale Iyo Siilanyaba Komishanka Way Kala Direen”Xildhibaan Xasan Muuse Hufane
January 15, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), kana mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa taageeray go’aanka uu Xisbiga Waddani ka qaatay Doorashada, waxaanu tilmaamay inuu gar ku taagan yahay Xisbigu.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Gobolka Awdal aanay doorashaba gali doonin ilaa saami qaybsi lagu saleeyo Doorashada la  sameeyo, waxaanu sheegay in haddii la sameeyn waayo saami qaybsi inay is wada casili doonaan kuraastana Wakiiladana ka tagi doonaan Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Galbeedka, gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Salel, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay khilaafka Xisbiyada“Xisbiga Waddani gar buu ku jooga, waxaanu leeyahay ha nalaga bedelo Komishankan, Komishankana waxay ka cabanayaan, markaas waa gartooda in Xisbiga Waddani laga bedelo Komishanka, qofkuna xaq buu u leeyhahay haddii uu yidhaahdo Garsoorka ha la iga bedelo in laga bedelo, lagumana juujubi karo,, ee Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyaba Komishanka wey kala direen, ee mar haddii kuwana eex iyo cadaalad daro lagu tuhmay, waa inaad kala dirtaa, Xisbiga Waddani-na kalsoonidii uu kala noqday Komishankan, Doorasho dambena inuu ku aamino lagama yaabana”.

Xildhibaan Hufane mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta, Doorashada iyo saami qaybsiga ayaa yidhi “Muddo kordhinta waxa ku shaqo leh waa Guurtida, iyagaana kordhinaya, oo laga sugaya, laakiin Gobolka Awdal saamigiisi uu sugayaa, saamigaas oo la qaybiyana shaqo kuma leha Doorasho, anaga laftayada ayaa ka dararnaya Wakiilada haddii aan Doorashada saami qaybsi lagu saleeyan waayo”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews