berberatoday.com
Dawladda Turkiga oo Soo Dhaweysay Hay’add Xukuumadda Somaliland Ka Saartay Dalka
January 16, 2019 - Written by admin

Ankara(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga ayaa agab  caafimaad oo muhiim ah ugu deeqday Somaliland, siday werisay Wakaallada Wararka  Somaliland ee SOLNA oo  ka soo xigatay  Warbixin lagu daabacay  Wakaallada Wararka ee  dalka Turkiga.

Hay’adda  TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan.

Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday  cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka,  mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka.

Wakaallada Wararka Turkiga ee  Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii  qalabkaas lagu kala gudoomayey  ka caddeeyey  in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta  adeega Caafimaadka.

Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland.

Waxa kaloo, danjiruhu sheegay inay soo dhaweynayaan in Somaliland ay dalkeeda ka saartay dugsiyo ay laheyd Hay’adda FETO oo uu leeyahay Waddaadka Fetullah Gulen oo Dawladda Turkigu u taqaanno Argagixiso,kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey af-gambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii  July 2016kii.

“Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation  maamulka dugsiyadii ay ururka  FETO  ku lahaa dalalka  caalamka,”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz.

Ururka FETO iyo Hoggaamiyaheeda degan Maraykanka ee Fetullah Gulen, ayey dawladda Turkigu ku eedaysay inuu soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee waddankaas ka dhacay 15kii July 2016kii oo ay ku dhinteen 251 qof, halka 2,200 ku dhaawacmeen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews