Akhriso”Wararkii Ugu Dambeeyey Weerar Lagu Qaday Hutelka Nairobi Kuyaala
January 16, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Ugu yaraan hal qarax iyo rasaas xooggan ayaa lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2.
Afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino ayaa u sheegay taleefishinka Citizen inay rumeysan yihiin in weerarka uu yahay weerar argagixiso.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ku warrantay in maleeshiyada kooxdaas ay gudaha u galeen hotel-ka.
“Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” waxaa sidaas yidhi afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.