Cajiib: Dhakhtar Seexday Xilli Uu Daawaynayey Qof Bukaan Ah Oo Gacantu Burburtay !
January 16, 2019 - Written by admin
China(Berberatoday.com)-Haweenay kalkaaliso caafimaad ah oo ka hawl gasha mid ka mid ah dhakhaatiirta Dalka China ayaa waxay baraha bulshada ku baahisay Sawir ay ka qaaday dhakhtarka ay la shaqeyso.
Sawirkaasi ayaa waxa aad u qaadaa dhigay wakaaladaha wararka Dunida waxaana lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, waxaanu sawirkaasi xambaarsanaa Dhacdo cajiib ah oo aan hore loo arag oo ah in nin dhakhtar ahi uu ku dul gam’ay Bukaan uu qaliin ku sameynayey.