Canfarta Oo Jartay Jidka Ay Maraan Badeecadaha Ka Soo Dega Djibouti Ee Ku Socda Itoobiya
January 16, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay.
Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida.