Daawo Muuqalka”Laba Qarax Oo Gilgilay Magaalada Nairobi Iyo Urura Al Shabaab Oo Sheegatay
January 16, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.