Somaliland Oo Dalka Ka Masaafurisay Hay’ad Turki Ah Iyo Sababta
January 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa dalka ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016.
Safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO. “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay.