berberatoday.com
Raysal Wasaaraha UK, Theresa May Oo Guul-Daro Siyaasadeed Soo Waajahday
January 17, 2019 - Written by Berbera Today

Londo(Berberatoday.com)-Raysal wasaaraha UK, Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed oo weyn la kulantay kadib markii Baarlamaanka Ingiriiska uu cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii ay soo diyaarineysay 2 dii sano ee lasoo dhaafay ee Brexit, wuxuuna xisbiga Mucaaridka soo gudbiyey in maanta xukuumadeeda loo qaado codka kalsoonida.

 

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa lagu waday in Baarlamaanka ingiriiska codka u qaado heshiiska Brexit ee wadada u xaadhaya in dalkaasi ka baxo Midowga Yurub, heshiiskaasi oo ay Ms.May gorgortan badan kula soo gashay dalalka EU-da ayey dib u dhigtay inay horgeyso Baarlamaanka, balse codkii xalay loo qaaday ayey 202 xildhibaan oo kaliya taageereen heshiiskaasi halka ay diideen 432 xildhibaan oo ay ku jiraan qaar kamid ah xisbigeeda Conservative party.

Hadii ay Ms.May ku guuleysan weydo codka kalsoonida ee maanta loo qaadayo ayaa keeni karta in la qabto doorasho cusub, balse waxaa la rumeysan yahay in qaar kamid ah xisbigeeda ee xalay ka codeeyey ay siin doonaan codka kalsoonida, arrintaasi oo badbaadin karta Theresa May inay xilka sii heyso.

In badan oo kamid xisbi xaakimka May ee kasoo horjeeda qorshaheeda ayaa dhanka kale diidan in la qabto doorasho guud oo ay awooda kula wareegi karaan xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party.

Xiisada Brexit ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo maalgashiga dalkaasi, waxaana si weyn hoos ugu dhacday qiimaha lacagta wadankaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews