berberatoday.com
“Xilalka Aan Somaliland Kasoo Qabtay Cid Reer Laascaanooda Oo Igu Tageertay Ma Jirin,Rag Baanse Ilkahooda Gowska Ugu Danbeeya Kala Soo Baxay” Wasiir Saleban Cali Koore.
January 17, 2019 - Written by Berbera Today
“Xilalka Aan Somaliland Kasoo Qabtay Cid Reer Laascaanooda Oo Igu Tageertay Ma Jirin,Rag Baanse Ilkahooda Gowska Ugu Danbeeya Kala Soo Baxay” Wasiir Saleban Cali Koore.

Hargeysa(Berberatoday.com)- Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu dhallinyarada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ku guubaabiyey in ay Somaliland wax la qaybsadaan oo dalkan leeyihiin cidina aanay ka xigin ee ay ujeedadu tahay hadba sida uu qofku isku soo saaro ee wax u qabsado isaga oo ku booriyey in ay wax la qaybsadaan dadka kale ee reer Somaliland oo aanay meelo kale u han qal taagin.

 

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo qoraal uu ku baahiyey Degelka uu ku leeyahay Mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay in isaga oo da’ yar uu ku soo biiray siyaasadda mudada intaasi le’eg ee uu Somaliland siyaasaddeeda ku dhex jiray oo uu xilal aad u badan ka soo qabtay aanu waligii la kulmin cid reernimo iyo hayb ku garbisa ee loo baahan yahay in dadka deegaankiisu ay aaminaan Somaliland meel kale oo ay dadkooda iyo dalkooda ku doorsan karaana aanay jirin.

 

Farriintan oo uu si gaar ah dhallinyarada ugu socodsiiyay waxa uu wasiir Koore ku yidhi sidan: “1993 ilaa maanta oo aan Somaliland joogo oo aan ku imi da’yari oo aan ahaa waliba ergadii Boorame raggii ugu yara da’ahaan hadana waligay intaan Somaliland joogay anigoo mansab walaba/jago kasta ka soo qabtay aan ahyn Madexweynenimo!. Waligay reernimo iyo isirnimo toona la iiguma diidin Jago/Xil aan anigu damcay. Jagooyinka faraha badan ee aan soo qabtay cid reer Laas-caanooda oo waligay igu tageertay ma jirin, Rag baanse “ilkahooda gowska ugu danbeeya kala soo baxay”

 

Waliba marka da’dayda loo eego ma jirio nin heerka siyaasada aan da’ahaan ka gaadhay igula dhigma Waayo 30jir waan ka yaraa markaan Ka mid ahaa Dawaladii u horeysay ee Maxamed Xaaji ibrahim Cigaal “AHN”

Oo aan jagooyin badan ka soo qabtay.

Waxaan sidaa u leeyahay hadaan shalay Dhalinyaro ahaa maanta idinka Dhalinyara, aniga waliba waxa iigu darnaa oo ii dhibi jiray intaan nimankan waxayga la dhacsanyey hadan reer Sool uun baa dhib igu hayey.

Maanta se jaanis baa idinka idiin banaan weyn ee maaha inaad intaad qol isku soo xidhaan aad jaaniskiinina ragga siisan; ee waa inaad waxa la yeelataan oo Hormuud ka noqotaan Somaliland.

Waxaan ogahay fursada dhalinyaranimo oo aad kartideeda la timaada waa raggnimo waxaan garnayaa anigoo wefti walaba iyo kulan walaba ninka ugu yara meesha! Markaan komishineerka ahaa 29jir baan ahaa yaraan baan ku qabtay Xilalkan oo dhan:

 

-Gudoomiyihii gudida dib u furista iyo ansixinta qaranka.

-Maareeye Guud

-Ergaygii gaarka ee Madexweyne gobolada bari

-la taliye Madexweyne

-Afar jago wasiirnimo

-Xildhiban Baarlamaan

Iyo waliba xilal kale oo aan soo koobi karin.

Inanka reer Sool’oow Somaliland xaq iyo xuquuq iyo deegaan baad ku leedahay waxaan waxa idinala wadaagya inaad ogaataan inaad dalkan leedahiin oo dadkan wax wada la-haansho idinka dhexeeyo ee maaha inaad Gobolada dhexe uga hadhaan, ma jiro nin deegaankeena oo sidan idiin tilmaamayo waxa idiinku sheegaya.

 

Anigu waxaan aaminsanahy in ninku uu ragganimadiisa kaga karti roonyahay reernimadiisa, ee kaalintiina deegaanimo buuxiya oo la qaybsada oo la tartma oo ku suntanaada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews