berberatoday.com
“DAYAARADAHA SUNTA HAWADEENA KU BUUFIYA OO AAN INAGA BAAL QAADIN HABEEN IYO MAALIN.W/Q YASSIN ISMAIL
January 18, 2019 - Written by admin

DAYAARADAHA SUNTA HAWADEENA KU BUUFIYA OO AAN INAGA BAAL QAADIN HABEEN IYO MAALIN.

Dadkii hore iila socday dabcan way ka War hayaan waxan aan ka hadlaayo, kuwase hada nala qabsanaaya Waa mawduuc beryahanba aan ka hadlaayay oo la xidhiidha tijaabooyin joogto ah oo dayaarado qalaad oon hayntooda la garanayn ay hawadeena ku buufiyaan sun loo yaqaan Aluminium-Sulphate iyo Beriam-Sulphate, kuwaas oo dayuurado ay leeyihiin dawlado, yaan odhan dawlado e ay dawlada maraykanka hayadeeda HAARP ay hormood ka tahay.

Sida dad badani ka war qabaan Waxaa hawadeena dul mara dayaarado badan oo aan haybtooda la garanayn.
Waxaa in mudo ahna inagu socotay tijaabooyin cimilo gedis ah ama waxa afka Science ka loo yaqaan “geo-engineering experiments also known as cloud Seeding”
Tijaabooyinkaas oo looga danleeyay in la maamulo cimilada oo hawada sare lagu buufiyo chemicals kuwaa aan soo sheegay ah, sida Aluminium sulphate iyo barium sulphate. Waa budo ama daqiiqo ka kooban bir iyo sulphur. Inta badan labada birood ee loogu isticmaal badanyay marka kaga hadlaayo geo-engineering ka ama cimilo-gedinta Waa Aluminium Iyo Berium.

Hadaba doraad subaxii: doraad Tuesday 15 January 2019, sidii caadada ii ahayd cirkaan eegay markay saacadu ahayd 07:15 ama todobadii iyo 15 daqiiqo iyadoo cirka sare ee magaalada Hargeisa, iyadoo dayaaradaha cirka buufiyaa qiyaastii cirka ku dhoobaysteen oo ilaa afar duulimaad ama afar jeer ku buufiyay hawadeena suntaas.
Sawiradii aan 15kii bishan ka qaaday diilimihii ay mareen dayuuradahaasi na Waa kuwan:
Balse Waxaa jirtay in Bahja Mohamed oo iyaduna intii aan barnaamujkan waday ama aan ku baraarujinaayay dadka iyo dawladuba ay ii sheegtay in subax dhawayd waqti ay caruurteeda School ka gaynaysay ay aragtay dayaaradahaas. Tani waxay tibaaxaysaa in diyaaradani duulimaadyada buufinta suntan ah hada u bedeleen waqti subax salaada hore ah.

Waayo markii hore waxay duulimaadyadani dhici jireen maalinta gelinka danbe.

Haye ahaatee markii aan hore u sawiray duulimaadyo noocan ah sawirada iyo qoraalo ku lifaaqana aan u gudbiyay hayado Maraykanka ka jira oo arintan aad uga soo horjeeda una sharaxay sababta Somaliland loo bartilmaameedaaday maadaama aanay lahayn difaac xaga cirka ah isla markaana aanay Somaliland ahayn wadan la ictiraafsanyay oo aan akhkato ama cabasho ka jeedin karin golayaasha caalamka.
Waxaa qoraaladii iyo sawiradii aan u diray iiga soo jawaabtay gabadh Maraykanka oo ka mid ah dadka aad uga soo horjeeda tijaabooyinka cimilo-gedinta ama geo-engineering ka waxa loo yaqaan.
Ma sheegi karo magaceeda laakiin tibaaxdu waxa weeye the author of the Beauty Myth. 
Waa haweenaydii qortay buugaa caanka ah, 
Anyway, waxay aad ula yaabtay ilaa halka tijaabooyinkani gaadhsiisanyiin oo ah in wadamada fiqiirka ah ee aan aqoon u lahayn waxan lagu tijaabinaayo.

Ugu danbayn walaalyaal Waxaa inagu socda tijaabooyin xun xun oo bii’adeena iyo dhulkeenaba lagu sinaynaayo, roobabkeena iyo daruuraheena lagu buufinaayo sun.
Suntaas oo la fal-geli doonta biyaheena cir iyo biyaheena dhulba.

Waxaan idinka codsanayaa in aad dawlada ku baraarujisaan halista ka imaan karta duulimaadyadan sun-buufinta ah.
Waxaan helay oo kale qoraalo tibaaxaya in Wasiiradeena Shukri Bandare loo af-waajiyay inay qorto qoraal u dhigan in wadankeena ay soo foodsaartay ama ay aad u saamaysay diirimaadka hawada oo taasina ay sababtay abaaraha soo noqnoqonaaya, iyadoo arintaa foodsaaro looga dhigaayo in la fuliyo mashruucan cimilo-gediska ah.

Waxaan ugu baaqayaa jaamacadaha iyo dadka aqoon yahanka ahba iyo dawladuba inay ku baraarugaan halista arintani leeday. 
Waxa kale oo aan ugu baaqayaa saxaafada iyo ururada bulshadu inay warkan sare u qaadaan oo ay ka hadlaan oo wax naga waydiiyaan oo documents ka aanu hayno iyo cadaymaha aanu hayno nala munaaqisheeyaan.

Ugu danbayna midh kaftan ah: intii aan arintan ogaaday ee aan aqoonsaday in tijaabooyinkan loo yaqaan geo-engineering ku ka socdaan dhulkeena waxaan eegaa cirka mar kasta oon fursad u helo. Markaa nin aan saaxiib nahay baa igu yidhi isagoo I arkay anoo cirka eegaya, ku yidhi Waa RADAR kii cirka.
Haa Waa RADAR kii cirka! 
Way fiicantay walaalayaal in aad idinkuna noqotaan RADAR kii cirka oo u fiirsataan waxa ka dhacaya hawadeena ee saamayn doona dhulkeena.

Markaa dhulka uun Ha eegine CIRKA EEG CIRKA EEG CIRKA EEG.

Thank you please share, like and comment

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews