“Hal Abuurnimadu Waa Hibo Ilaahay Bixiyo, Marka La Cadaadiyo Ee La Ciilo Ciilka Iyo Cadhada Maankiisa Ayaa Ku Darara Maskaxdiisuna Way Ku Godlataa”Cali Guray. “
January 18, 2019 - Written by admin
“Dhalinyaradan La Weetaynayaa Wax Kale Ma Doonayaan In la Dhegaysto Keliya Ayay u Baahan Yihiin. Dhego Maqla Iyo In Lala Doodo Oo Bal Soo Daaya Waxaad Sheegaysaan La Yidhaa Bay u Baahan Yihiin”Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)”
DHALINTII WADDANKIYO DHULKAANU NAHOO!!
“Hal abuurnimadu waa hibo Ilaahay bixiyo. Marka la cadaadiyo ee la ciilo ciilka iyo cadhada maankiisa ayaa ku darara maskaxdiisuna way ku godlataa wuxu markaa dareenkiisa u cabri karaa si aanu u cabiri karin marka uu caadiga yahay ninka maalintaa uu ku qumbucdaa weligii kama hadho qaarkoodna waabay kuhaamaan oo lama seegaan waayo Ilaahay la kala baryi og baa run ah. Markuu sii daayo tix hurgumo iyo sun iyo waabay ah ayuu nefisaa. Waakii ninkii gabyay lahaa: HADAAN GABAYGA UURKOO BUKIYO ARAMI KAA KEENIN. Siyaad Barre dhawr nin baa ku kala tegay imika way ka daran tahay oo waaba sebankii warka iyo warbaahinta. Berigii hore dadka muddo ayuu warku ku gaadhi jiray bilo maaha mararka qaarkood sanado. Hadda kay qabsadaan bilo ayaa diiwaano laga buuxinayaa.