Itoobiya Oo Sheegtay In Ay La Dagaallameyso Kooxo Hubaysan
January 18, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaase ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.
Dowladda ayaa meesha ka saartay eedeymo kaga yimid mid ka mid ah shanta garab ee Jabhadda OLF, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u adeegsatay diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay degaannadooda.
Af-hayeen u hadashay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo, Billene Aster Seyoum, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalka Saraakiisha OLF, waxaa ayna sheegtay in ay dowladdu masuul ka tahay ilaalinta nabad gelyada iyo sugidda amniga Dalka.