“Mucaarad Doorasho Diidayaa Wuxuu Doonayo Ayaan Jirin”Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan H
January 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbi mxaaakimka talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex aloonsan Xisbiyada qaranka.
Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo qoraal uu kaga hadlayo arintaasi ku baahiyay barta xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay Facbooga ayaa u dhignaa sidan.”Mucaarad doorasho diidayaa wuxuu doonayo ayaan jirin, 7da xubnood ee GDQ ee SL waa guddi isu dubarida hawsha diyaarinta doorashooyinka ka dhaca 1642 goobood oo ay joogaan hawlwadeeno aan ka yaraan 5 qof goob kasta, sidoo kale waxa jooga muraaqib xisbi xilliga doorashada.