berberatoday.com
Muhiimad Intee Leeg Ayuu Madaxweynaha Jabuuti Siiyey Xafiiska Dalkiisa Ee Somaliland Ku Yaala?
January 18, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xafiiska Qunsuliyada dalka Jabuuti ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay balaadhin doonaan adeegyada ay u qabtaan muwaadiniinta Jabuuti iyo kuwa Somaliland.

 

Amb Xuseen Cumar(Kawaaleeye) oowarbaahinta maxaliga ah xafiiskiisa ugu waramay ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyo kala duwan oo ay qabteen sannadkii dhamaaday, waxaanu yidhi.

“Waxaan u samaynay 53 dhalasho sannadkii dhamaaday, iyo caddaynta qofka ku dhasha Somaliland ooh ore aan u haysan goob ay ugu hagaagaan ayaa madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C Geele ugu sameeyey xafiiskan in muwaadiniinta Jabuuti xaqooda u helaan, waxaan caddaynay labaatan qof oo ku dhintay geyiga Somaliland (Ilaahay ha u naxariistee).

Md Kawaaleeye ayaa sheegayin adeegyada xafiisku u qabto jaaliyada reer Jabuuti ka mid yihiin caddeynta dadka isku guursada Somaliland shahaadada meherkooda, dadka baasaboorku ka dhaco oo la siiyo warqad ay ku dhoofaan, sidoo kalena waalidka u doonaya caddeymaha caruurtooda u sameeyaan.

Safiir Xuseen Kawaaleye ayaa sheegay inay dad badan oo dib ugu laabanaya jabuuti u sameeyeen waqado ay ku dhoofaan, waxaanu yidhi

“Waxaan u samaynay waraaqo ay ku dhoofaan dad ku noqonaya jabuuti 73 qof, waxaan dadka qaata lacagta hawlgabka u caddaynay, waxaan waraaqaha meherka u caddaynay 43 muwaadiniin Jabuuti ah” Ayuu yidhi isagoo raaciyey.

Waxaan bogaadin sannadka cusub u dirayaa dhamaan madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo yidhi,

“Waxaan ugu horeyn hambalyo u dirayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici, xukuumada iyo shacab-weynaha  Somaliland, dhamaantood waxaan leeyahay sannad wanaagsan oo bashbash iyo barwaaqo leh. Waxaan hawshaa u qabanay lana hadlayaa waa reer Jabuuti iyo reer Somaliland.

Md Kawaaleeye oo baaq u jeedinaya muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan JSL ayaa yidhi

“Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan Somaliland isa-soo-diiwaangeliya, si wax la idiinku qabto, isla markaana dawlada Jamhuuriyada Jabuuti idiin ogaato.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews