Raysal Wasaarihii Hore Ee Itoobiya Hailemariam Dessalegn Oo Xil Cusub Looga Magacaabay Dalkiisa.
January 18, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Dessalegn ayaa xil cusub looga magacaabay guddida sare ee dalxiiska dalkaasi.
Sida ay qortay warbaahinta Ethiopia News, raysal wasaaraha Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu xilkan u magacaabay masuulkii uu xilka kala wareegay ee Hailemariam Dessalegn.
Dhawr bilood ka horna raysal wasaaraha Itoobiya ayaa agaasimaha fulinta ee ururka dalxiisayaasha u magacaabay Lensa Mekonnen kaas oo badalayYohannes Tilahun oo ka tagay xilka gudoomiyaha ururkaasi.