“Somaliland Maanta Waxa Madaxwayne Ka Ah Muuse Biixi, Waxana Ka Horeeyay Axmed Siilaanyo, SNM Ama Waxay ka Dhigi Wax Lagu faano Ama Wax Laga Faano”Cali Guray.
January 18, 2019 - Written by admin
TAARIIKHDU WAY ISQORAYSAA
Somaliland Maanta Muuse Biixi Cabdi oo saraakiish waawaynayd ee SNM ka mid ahaa ayaa ka madaxwayne ah. Waxa ka horeeyay Axmed Maxamed Silanyo oo isaguna ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM. Ugu dambaysta SNM ama waxay ka dhigi wax lagu faano ama wax laga faano marka loo eego labadii madaxwayne ee ka sii horeeyay oo iyaga midkoodna aanu SNM ahayn marka laba walba gaarkooda loo eego kaalinta ay ku yeesheen geedi-socodka qaran-dhiska Somaliland gaar ahaan marxaladihii ay ka soo gudbiyeen iyo horumarka ay gaadhsiiyeen muddo is-le’eg.