Ceeryaan Haystay Saaka Hawada Magaalada Hargeysa Oo Sababtay In Diyaaruhu Fadhiisan Waayaan Oo Jabuuti Ku Noqdaan
January 19, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-xiligan oo Cimilada Magaalada Hargeysa aad uqabawdahay ayaa qabawgaasi waxa uu sababay in saaka subaxnimadii ceeryaani qabsato hawada magaalada Hargeysa waxaana Hakad Galay diyaaradihii soo fadhiisan lahaa garoonbka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport, Diyaaradaha fadhiisan kari waayay saaka garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa waxa kamid ahaa Alcarbiya Iyo fly Dubai labadan diyaaradood oo siday rakaab badan oo Somaliland iyo ajinabi isugu jira ayaa dadkii sugaayay saaka dib uga soo laabteen garoonka kadib markii lagu wargaliyay in aanay diyaaruhu soo fadhiisan karin Ceeryaanta hawada haystay awgeed waxaana sidaas noo sheegay muwaadin kamida ahaa dadka sugaayay eheladiisa oo diyaarada Fly Dubai saarnaa oo Yurub ka yimi.