Dagaal Culus Oo Dhaxmaray Ciidamada Itoobiya Iyo Al-shabaab
January 19, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka oo leysku adeegsaday hub culus uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.