Mucjiso: Haweenay Aan Maqal Codka Ragga, Awoodna U Leh Inay Maqasho Codka Dumarka !
January 19, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mucjisooyinka Dunida ka jira ma aha kuwa aynu soo koobi karno waxaynu mar kasta la kulanaa arrin lama filaan ah.
Magaalada Xiamen ee Koonfur bari Dalka China waxa ku nool haweenay qabta xanuun aan hore loo arag oo ka halleelay dhinaca maqalka.
Haweenaydan ayaa waxay maqli kartaa Codka Haweenka oo qudha, balse codka Ragga ma maqli karto, dhibaatada noocani ah ma aha mid ay ku dhalatay haweenaydaasi sida lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, laakiin haweenaydan ayaa seexatay kadib subaxnimadii markii ay toostay ayaa waxay maqli weyday Codkii saygeeda.